Sheikh Shaakir oo Garowe tagay

1999

Wafdi uu hoggaaminayo Sheikh Maxamed Shaakir oo kamid ah madaxda Ahlusunna Waljamaaca ayaa Garowe gaaray xilli uu halkaas ku sugan yahay hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna.

Safarka masuuliyiintaan weli maamulka Puntland si rasmi ah ugama uusan hadlin, waxaana si adag loo xakameeyay in saxaafaddu xog ka hesho ujeedada ay Puntland u tageen labada sargaal ee ugu sareeya Ahlusunna.

Masuuliyiintaan waxay dhawaan ku wajan yihiin magaalada Nairobi, waxaase maamlaha ay ku sugan yihiin Garowe ay kulamo la qaadanayaan madaxda Puntland, inkastoo Puntland iska fogeysay in wax iskaashi siyaasadeed uusan ka dhexayn iyaga iyo Ahlusunna.

Ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa Wardoon.net u sheegay in masuuliyiinta Ahlusunna ay Puntland u tageen arrimo ay kamid yihiin ammaankooda, kadib markii lagala wareegay awoodii siyaasadeed iyo ciidan ee ay ku lahaayeen Galmudug.