Shiinaha oo samaynaya baabuur aan fayrisku geli karin

1690

Shirkadaha baabuurta sameeya ee Shiinaha ayaa bilaabay qorshe ay ku doonayaan in ay ku soo saaraan baabuur “aan fayrasku geli karin”.

Baabuurtan cusub ayaa la qorshaynayaa in ay noqdaan kuwo dadka ka celinaya fayraska oo sida Masks-ka (fool-saabka) qofku xidho oo kale fayraska uga ilaalinaya.

Shirkadaha baabuurta sameeya ee Shiinaha kuwooda ugu waaweyn qaarkood ayaa soo saaraya baabuur cusub oo qaabkan u samaysan waxaana ka mid ah shirkadahaas shirkadda “Geely” ee samaysa tagaasida madmadow ee London caanka ku tahay.

 

Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid suuqa baabuurta ee Shiinaha afartii bilood ee ugu horeeyey sannadkan sababtuna ay tahay xayiraaddii dalka lagu soo rogay.

Shirkadda “Geely” yaa noqonaysa shirkaddii ugu horraysay ee bilowda wax soo saarka baabuurka fayrasku aanu geli karin, waxaanay doonaysaa in ay ka faa’idaysato waayo aragnimadeedii hore ee ay ku soo jiidatay macaamiisha ka baqanayey dikhowga hawada.