Shiinaha shaqaalaha diyaaradaha oo lagu amray inay xafaayad xirtaan

2177

Waaxda diyaaradaha ee Shiinaha ayaa usoo jeedisay shaqaalaha diyaaradaha inay xirtaan xafaayad ayna ka fogaadaan isticmaalka suuliga si loo yareeyo khatarta faafitaanka Covid-19.

Talada ku saabsan xafaayadda waxay la socotaa qalabka difaaca shakhsiga ee shuruuc cusub oo loo soo saaray diyaaradha.

Waaxda ayaa sheegtay in taladan ay khuseyso diyaaradaha aadaya meelaha ay ka jiraan kiisaska badan ee Covid-19.

Guud ahaan dunida, diyaaradaha iyo garoomada ayaa isbeddel weyn ku sameynayay sida ay u howlgalaan si ay rakaabku ugu suurtagasho inay mar kale raacaan diyaaradaha.

Maamulka Duulista Hawada ee Shiinaha ayaa shuruuc ka kooban 49 bog u soo saaray diyaaradaha si looga hortago faafitaanka xanuunka coronavirus.

Talooyinka xafaayadda waxay saameyn doontaa diyaaradaha tagaya amaba ka imaanaya meelaha ay kiisaska fayraska aadka ugu badan yihiin.

Waxay ugu horreysaa talooyinka la siinayo shaqaalaha diyaaradaha ee ay ka midka yihiin inay xirtaan maaskarada wejiga, gacmo-gashiga, koofiyadaha iyo dharka difaaca.

Shaqaalaha diyaaradaha ayaa sidoo kale lagula taliyaa inay xirtaan dharka difaaca, balse kuma jirto xafaayad.

Shirkadaha diyaaradaha caalamka ayaa la daalaa dhacayay inay ka soo kabtaan dhaqaale burburka uu xanuunka safmarka ah ku yeeshay safarka.

Tallaabooyinka cusub ee loo soo saaray diyaaradaha ayaa kala duwan marka loo eego dal walba. Dalalka qaar ayaa ka doonaya diyaaradaha inay hal kursi u dhexeysiiyaan rakaabka, kuwo kale ayaa maaskarada wejiga waajib ka dhigay inta lagu jiro diyaaradda.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN