Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawacba sababay oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha

59

Gaari nuuca xamuulka qaada ah ayaa xalay saq dhexe xiligii uu soo dhawaa waabariga ku fariin goostay suuqa bakaaraha gaar ahaan isgoyska Howlwadaag wuxuuna dhex galay oo bur buriyay guri iyo maqaayad isku dhex yaalay.

Gaariga oo sida raashin badan sida sawirka aad ka arki karto wuxuu sababay dhimashada hooyo da’ ahayd oo sariirteeda uu ugu tagay iyo dhaawaca sedex ruux kale kuwaasoo dhamaantood la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia ayaa ku baxay inkastoo darwalkii uu goobta ka baxsaday markii uu ogaaday inuu gaariga dad ku dhibateeyay,isaga laftigiisana xog lagama hayo wax dhaawca oo soo gaaray.

Dowlada waxaa looga baahan yahay inay xal u keento gaadiidkaan waa weyn ee xamuulka ka soo qaada Dekada kuwaasoo qaarkood duqoobeen halka qaarkoodna ay wadaan darawalo aan masuuliyad qaadi karin.