Shirarkii dowlad Goboleedyada oo fashilmay

1549

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay kulamo kala duwan ku lahaayeen Magaalada, kulamadaas oo ay uga hadlayeen xalka gaarista khilafka doorashada iyo qabsoomida shirweynaha looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Wararka soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxda dowlad Goboleedyada ay isku mari waayeen qodobo ay kamid yihiin Ajandaha shirka iyo Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo weli dalbanaya in shirka la ballaariyo ayna ka qeyb galaan Midowga Musharixiinta & Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Intii ay socdeen Maalmihii la soo dhaafay kulamada ayaa waxaa jiray is-afgarad ay gaareen Maamul Goboleedyada, hayeeshee ismrai-waagaan soo kala dhex-galay uu sabab ay in uu dib u dhaco Shirka Madaxda dowladda & Dowlad Goboleedyada oo lagu waday in uu Maanta ka furmo Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay mareeysaa meel xasaasi ah, waxaana qabsoomi waayay shirar dhowr ah oo loogu balansanaa in lagu qabto Magaalada Muqdisho si xal looga gaaro khilafka doorashada.