Shirka ‘Africa Now’ oo ka furmay Kampala & Farmaajo oo ka qeybgalay + sawirro

1517

Magalada Kampala ee dalka Uganda waxaa Maanta ka furmay shir looga hadlayo horumarinta iyo kobcinta Dhaqaalaha Qaarada Afrika, ee (Afrika Now), waxaana shirkaas Soomaaliya u matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka oo socon doona mudo laba maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Ergo Kumanaan ah, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee dalka Uganda Yuweri Museveni, iyada oo ay shirkasi ka baaqsadeen Madaxweynayaasha dalalka Masar iyo Koonfur Afrika, hayeeshee ay Wakiilo u soo dirsadeen.

Furitaanka shirka ayaa marka hore waxaa loogu baroordiiqay dadkii ku geeriytooday shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay Magalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Shirka inta uu socdo ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo ka hadli doono arrimo la xiriira Ganacsiga Soomaaliya iyo sida Ganacsiga wadamada kale ee Afrika la isugu xiraa lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale inta uu dalkaasi ku sugan yahay waxa uu la kulmi doonaa qaar ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaas, isaga oo kala hadli doono sidii taageero loo siin lahaa dowladda Federaalka Soomalaiya.