Shirka Dhusamareeb oo dib u dhacay

1650

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada oo la filayey inuu maanta ka furmo gudaha magaaladaasi.

waxaa weli socda kulamo gaar-gaar ah oo u dhexeeya labada dhinac, si xal looga gaaro is-faham-waa weli u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxaa xalay Dhuusamareeb ka qabsoomay shirar u dhexeeyey madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo shanta madaxweyne goboleed, kuwaas oo lagu ballamay inay sii socdaan,inta la isaga soo dhowaanayo, iyadoo shirka weyn uusan maanta furmi doonin.

Qodobka aad la’isugu hayo ayaa ah nooca doorasho ee la qabanayo, iyada oo ay dowladdu dooneyso, gaar ahaan madaxweynaha in la’aado doorasho qof iyo cod ah, halka madaxweynayaasha maamullada ay ku doodayaan in la qabto doorasho dad badan.
Arrintaan ayaa cakirineysa xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyada oo maalmo badan ay is-horfadhiyaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleeyada iyo kuwa dowladda dhexe, balse ma jirto illaa iyo hadda wax natiijo ah oo la gaaray, taas oo saluug xoogan laga muujinayo.

Si kastaba ha’ahaatee ma cadda xilliga rasmiga ah ee uu furmayo shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo doorashada 2020/2021.