Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka dhacaya …..

124

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ayaa la filayaa inuu dhawaan ka dhaco magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Shirkan oo lagu waday inuu Muqdisho ka dhaco dhamaadkii bishii hore ayaa waxa uu dhawaan ka furmi doona Kismaayo, kadib dalab ka yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Shirka ayaa horey ugu baaqday dhowr arrimood oo isbiirsaday u baaqday, sida Axmed Madoobe oo shirkan inuu ka soo qeyb-galo uga cudur daartay sababo la xiriira xoojinta howl-galada ka socda deegaanada Jubbaland, kaddib guulihii u dambeeyay ee ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland ka soo hoyeen dagaalka Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan shirkan ayaa si weyn ugu xiran mustaqbalka dowlad-goboleedyada muddo xileedkooda dhamaaday oo doonaya in madaxweyne Xasan Sheekh u fasaxo inay doorasho aadaan iyo jaangoynta masiirka Villa Somalia ee doorashada 2026.

Bishan August ayaa noqon doonta bil go’aamin doonta geeddi socodka doorashooyinka isku sidkan ee heer dowlad-goboleed iyo heer federaal.

Arrimaha ayaa imanaya, iyada oo mashruuca doorashada qof iyo cod ee madaxweyne Xasan Sheekh ay caqabado waa weyn ku horgudban yihiin, sida mucaaradka oo aad u diidan qorshaha madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya in dalka ka dhacdo doorashada qof iyo cod, kadib markii uu baarlamaanka marsaday cutubyo kamid ah dastuurka, oo dhigaya in laga guuray hanaankii doorasho ee hore, wallow ay illaa hadda muuqan tallaabooyin loo qaaday middaasi.