Shirka Horumarinta iyo Dib u dhiska oo ka furmay Magaalada Muqdisho SAWIRRO)

1653

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay ka soo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka.

Kulanka SDRF oo la qabto bil iyo bar kasta mar ayaa qayb ka ah shirarka ay dawladda federaalka Soomaaliya la yeelato mas’uuliyiinta hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka bah-wadaagta ah ee kala shaqeeya arrimaha horumarinta dalka.