Shirkadaha duulimadyada oo weli diidan inay ka dagaan Garonka Boosaaso

65

Puntland ayaa sheegtay in amniga garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yahay mid sugan, iyadoo ay si toos ah uga soo dagayaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda. Hadalkaan ayaa kusoo beegmay dhowr maalmood kaddib markii garoonka uu xirmay diginin ka timid ciidanka PSF.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Puntland, shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu wargaliyay in garoonku uu si buuxda u shaqeynayo, isla markaana aysan jirin wax khatar amni ah oo soo food saartay garoonka Boosaaso. Wasaaraddu waxay xaqiijisay in shalay garoonka ay ka dageen diyaarado ka yimid dalka dibaddiisa iyo gudaha dalka, kuwaas oo sidoo kale si nabadgalyo ah uga duulay.

Sidoo kale, Wasaaradda Duulista Puntland ayaa been abuur ku tilmaamtay wararka sheegayay in muddo dhowr cisho ah aysan garoonka ka dagin wax duulimaad ah.

Si kastaba, warar kale oo ay HOL xaqiijisay ayaa sheegaya in qaar kamid ah shirkadaha duulimaadyadu ay diideen inay diyaaradahooda ka dagaan magaalada Boosaaso, iyagoo muujiyay walaac dhinaca ammaanka ah.

Ciidanka PSF ayaa saldhig ciidan ku leh meel aan ka fogayn garoonka Boosaaso, taasoo keeneysa in qaar ka mid ah shirkadaha duulimaadyadu ay ka baqaan in diyaaradaha kasoo daga garoonka Boosaaso ay noqdaan bartilmaameed suurtagal ah.