Shirkii arrimaha doorashooyinka oo berri Muqdisho ka furmi doona

1406

Iyadoo lafilayo inuu maalinimada beri ah si rasmi ah u furmo shirka looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya ee u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa jirey kulamo gooni gooni ah oo ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa kulan gelinkii dambe ee maanta kula qaatay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ay maalmahaan ku wada sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah waxaa labada dhinac uga wada hadleen xaaladda Soomaaliya, doorashooyinka 2021, shirka berri ka furmi doona magaalada Muqdisho iyo waxa laga yeeli doono natiijada shirkii Dhuusamareeb 3.

Siciid Denni oo horay kulan ula soo qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa madaxweynaha Hirshabeelle u soo bandhigay aragtisiisa shirka berri ka furmi doona magaalada Muqdisho iyo dareenka Puntland ee Dhuusamareeb 3 xilli madaxdii shirkaasi ka qaybgalay ay doonayaan in qodobada shirka laga sii amba qaado wixii ka soo baxay Dhuusamareeb 3.

Muqdisho waxaa maanta gelinkii dambe dib ugu soo laabtay madaxweynaha Jubbaland oo magaalada Kismaayo kaga qaybgalay aaska Allaha u naxariistee guddoomiyihii rugta ganacsiga ee maamulka Jubbaland oo shalay qarax lagu diley.

Waxaa kale oo maanta Muqdisho kulamo ku dhexmareen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland iyadoona ay gadaal kaga biireen madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.