Shirkii Madasha Xisbiyada Qaran oo 13 Qodob xasaasi ah oo laga soo saaray

1864

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midooobeen Lix Xisbi Siyaadadeed ayaa waxaa ay War-Murtiyeed ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah kasoo saareen Shir Muddo Shan Cisho uga socdey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Warmurtiyeedka oo ka kooban laba bog ayaa waxaa ay ku sheegeen in shirkooda uga hadleen caqabadaha Amni iyo midka siyaasadeed ee xilligaan dalka kajira sidii xal loga gaari lahaa,kuwaas oo wiiqi kara dowladnimada mudada la soo dhisaayey.

War Murtiyeedka ayaa lagu sheegay kadib wadatashi iyo talooyin badan in ay isku raaceen inay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed.

Si arrrintaas loo gaaro, war murtiyeedka ayaa lagu xusay in la magacaabay Guddiga farsamo oo howlahaan kusoo dhameystiro muddo 45 cisho gudahood.

Madasha Xisiyada Qaran ayaa dalbaday in Doorashada dalka ay ku dhacdo watigii loogu talagalay aysana aqbali doonin waqti kororsi.

Sidoo kale waxay dalbadeen in si shuruud la’aan ah ay isugu imaadaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya si looga tashto doorashada iyo marxaladaha uu marayo dalka.

Madashada Xisbiyada ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in Ciidankii iyo dhaqaalihii loogu talo galay la-dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada loo adeegsado burburinta Dowlad Goboleedyada dalka ka jira, waxaana Shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan madal dib u heshiisiineed.

Ugu dambeyntii madasha ayaa sheegtay inay ka tacsiyeyneyso isla markaasna ay ka xun tahay dayac ay sheegtay in loo geystay ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose kuwaas oo dhawaan khasaaro xoog leh u geysteen Kooxda Al-Shabaab kadib markii laga qabsaday xiradii ay ku sugnaayeen lagana qaatay Gaadiid iyo Saanad Ciidan.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran