Showgii Haboon Nuura ee Hargaysa oo ladiiday in laqabto

20

Maamulka Gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa gabi ahaanba mamnuucay in magaalada Hargeysa iyo degmooyinka ku xeeran lagu qabto wax bandhig-faneed ah.

 

Warqad kasoo baxday Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Axmed Maxamed Cadaad, ayaa lagu sheegay in la joojiyay cawaysyada iyo heesaha, iyada oo sabab looga dhigay in heesuhu ay diinta Islaamka kasoo horjeedaan.

 

 

“Waxa la farayaa labada taliye qaybeed in laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 19/10/2025, dhammaan huteellada Hargeysa laga joojiyo cawaysyada iyo bandhig-faneedyada, maadaama oo ay lidi ku tahay diinteena Islaamka iyo dhaqanka suubban,” ayaa lagu yidhi amarka kasoo baxay Guddoomiye Cadaad.

 

Amarkan ayaa si gaar ah u saameeyay bandhig ay magaalada Hargeysa ku lahayd fannaanadda Haboon Nuura, oo dhawaan laga joojiyay bandhig ay Xamar ku lahayd. Hase yeeshee, guddoomiyaha ayaa sheegay in bandhigeedu uu dhici doono.

 

Hal-abuur Daaha Gaas, oo ah Guddoomiyaha Kooxda Faneedka Dayax Band, isla markaana ah abwaanka sameeyay heestii “Ma Nihin Cadaw Xamar Ka Daran,” ayaa xukuumadda Cirro ku eedeeyay in ay ka goosatay mushaarkii kooxdiisa, isla markaana ay fanka iyo fannaanka dagaal kula jirto.

 

Daaha Gaas ayaa sheegay in xukuumaddu si gaar ah ula dagaallamayso kooxdiisa, maadaama ay taageersanaayeen xisbiga Kulmiye xilligii ololaha doorashada. “In la yidhaahdo kooxda Dayax Band lama siinayo mushaarkii, waa aargoosi iyo cadaawad fogaatay,” ayuu yidhi Daaha Gaas