Siciid Deni oo diiday gargaar loowaday 3000 oo qof

31

Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa haatan yeelatay weji cusub, kadib tallaabo horleh oo ay qaaday dowladda dhexe, taas oo la xiriirta maamulka fadhigiisu yahay Garoowe.

 

Arrinta cusub ee soo korortay ayaa la xiriirta gargaar ay Hay’adda SoDMA u dirtay Puntland, kaas oo loogu talagalay illaa saddex kun oo qoys oo ku dhaqan maamulkaasi.

 

Gargaar bani’aadannimo oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys oo ay saamaayeen abaaraha iyo calaadaha ayaan maanta u dirnay degaanno ka tirsan maamulka Puntland” ayuu yiri guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle.

 

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gargaaran ay ku wareejiyeen mid kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeedo Puntland, si loo gaarsiiyo shacabkii loogu talagalay.

 

Gargaargaan oo dhulka mari doona ayaan ku wareejiyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland” ayuu mar kale yiri.

 

Dhanka kale Puntland oo si dhaqsi leh uga soo jawaabtay arrintan ayaa ka hortimid tallaabada ay qaaday Hay’adda SoDMA ee dowladda Soomaaliya.

 

Wasiirka gagaarka Puntland Marwo Ubax Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in aan deegaanada maamulkaas la keeni karin wax gargaar ah haddii aan lasoo marsiin maamulkooda, waxayna sheegtay in xuduudahooda aanu soo gaari gaari karin gargaarkaasi.

 

Gargaar aan la soo marin Puntland kama soo degi karo xuduudkeeda, bada iyo hawada Puntlnad” ayay ku jawaabtay Wasiir Ubax Cabdirashiid.

 

Deni iyo dowladda dhexe ayaa horay isugu hayay arrimaha siyaasadda, haddase wuxuu khilaafkooda galay dhinaca bani’aadanimada oo horay looga digay in la siyaasadeeyo.