Siciid Deni oo doonaya inuu shir u qabto mucaraadka

34
Siciid Deci
Siciid Deci

 

Tallaabo muhiim ah oo muujineysa khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxa uu ku dhawaaqay in uu qorsheynayo in uu magaalada Garoowe ku qabto shirweyne siyaasadeed oo heerkiisu sareeyo. Qorshahaan ayaa imaanaya kadib go’aankii uu ku qaadacay ka qeyb galka shirka Golaha wadatashiga Qaran ee uu soo qaban qaabiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ka socda magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ahaa mid lagu doonayay in wada hadal siyaasadeed iyo is afgarad laga dhex abuuro madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, diidmada Madaxweyne Deni ee ka qaybgalka shirka ayaa muujinaysa xiisadda sii kordhaysa iyo isbedel ku iman kara dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweyne Deni ayaa sheegaya in shirka Garoowe ka furmaya uu yahay mid looga gol leeyahay in xal looga gaaro tabashooyinka qaranka iyo sidii loo abuuri lahaa isbaheysi siyaasadeed oo cusub. Casuumaad ayaa loo fidiyay mucaaradka, xildhibaanada baarlamaanka federaalka, iyo madaxda maamul goboleedyada kale ee xubnaha ka ah federaalka, gaar ahaan Jubaland. Tani waxay soo jeedinaysaa dadaalka lagu doonayo in lagu mideeyo koox-siyaasadeed oo caqabad ku noqon karta awoodda dawladda dhexe.

Arrintaan ayaa muujineysa khilaafka ka dhex aloosan Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada qaar ee xubnaha ka ah federaalka, taasoo muujineysa caqabado ballaaran oo ka jira nidaamka federaalka ee Soomaaliya. Shirka Garoowe ee lafilayo in uu saameyn weyn ku yeesho hamiga siyaasadeed ee qaranka, waxa uu dib u qaabayn karaa isbahaysigii iyo haykalkii awoodeed ee dalka.