Siciid Deni oo ku wajahan magaalada Baydhabo

1464

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo waftigiisa ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa socdaal aan horay loo sii shaacin ku tegi doona magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waftiga madaxweynaha Puntland ayaa maalmaha soo socda booqan doona caasimadda kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed kadib casumaad ay ka heleen Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Martiqaadka uu madaxweynaha Koonfur Galbeed u sameeyey dhiggiisa Puntland ayaa salka kuhaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac meeshana looga saari lahaa guud ahaan xurgufihii siyaasadeed ee labada dhinac xilliyadii shirarka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadli doonaan bulshada reer Koonfur Galbeed ee kunool Puntland iyo sidii ay kaalin ugu yeelan lahaayeen guud ahaan dhaqdhaqaaqyada bulsho ee Puntland marka laga yimaado ganacsiga.

Dhanka kalena, madaxweynaha Puntland ayaa lafilayaa inuu lakulmo waxgaradka beelaha dhalasho ahaan ka soo jeeda Puntland ee kunool gobolka Bakool iyo deegaamo kale oo Koonfur Galbeed hoosyimaada.

Deegaamada Puntland waxaa kunool bulsho badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed waxaana jirey heshiisyo horay labada maamul u dhexmaray, iyadoona Koonfur Galbeed ay raaligelin ka bixisay hadalo ka soo yeeray xildhibaano Muqdisho ku sugan oo bulshada labada dhinac isku dir ka dhex wadey.