Siciid Deni oo Mooshin loogu hanjabay+ VIDEO

1720

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa si adag u dhaliilay Madaxwayne Siciid DENI, oo Ka baxay Golaha Baarlamaanka Markii uu Xildhibaan Su’aalo kulul waydiiyey.

“Wuxuu Bilaabay Madaxwaynuhu Hanjabaad, iyo Inaanu Xushmayn Dadkii iyo madaxdii madasha ku sugnaa, Sharciga ayaanu ku kala bixi doonaa oo Jawaab uu ka heli doonaa”.

“Madaxwaynaha wax xumaan ah lama odhan , Su’aal ayaan waydiiyey , Waad u jeedeen si cadho leh ayuu Hoolka uga baxay, Xildhibaan ahaan iyo Bulsho aan dib ayaanu isugu noqon doonaa”.

Xildhibaan Cawil ayaa la weydiiyay iney wadaan Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Siciid Deni ayaa ku jawaabay “Shalay anaga ayaa dooranay biyo uma kaban doono Inaan Xilka ka qaadno, hadduu dastuurka jabiyo”.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in Siciid DENI maalintii la doortay uu ku yimid, Islamarkaana isagoo shacab ah uu yimid Xarunta baarlamaanka, Isagoo Madaxwayne ahna uu ka Noqday.