Siiriyaan katuugsasda wadooyinka Addis Ababa oo laga mamnuucay

1730

Dowlada Ethiopia ayaa ka mamnuuceysa qaxooti Siiriyaan inay ku tuugsadaan amaba ku dawarsadaan wadooyinka magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Qoysas badan oo ka soo cararay dagaalada ka dhacaya dalka Siiriya ayaa soo galay dalka Ethiopia iyadoo qaxootiga badankood ay dalka ku yaal Afrika ku soo galaan dal ku gal ah inay yihiin dalxiisayaal.

“Waxaan diyaarineynaa ciidamo dhaqan geliya qorshe lagu mamnuucayo in ay dadka Siiriyiinta ah ku dawarsadaan wadooyinka umana dulqaadan doono.”ayuu yiri ku xigeenka Madaxa qaxootiga dalka Ethiopia Yemane Gebremeskel.

“Illaa lix boqol oo Siiriyiin ah ayaa soo galay dalka Ethiopia intii u dhexeysay bishii August iyo December ee sanadkii hore badankoodna waa ay laabteen balse qaar kale ayaa weli jooga kuwaasoo wadooyinka ka dawarsada.”ayuu sii raaciyay Yemane oo u waramayay AP.

Inku dhow 120 Siiriyiin ah ayaa codsaday qaxootinimo dalka Ethiopia oo ka mid ah dalalka ugu badan ee soo dhoweeya qaxootiga waxaana la siiyaa dadkaas taageero dhan illaa $73.

Dad badan oo Ethiopian ah ayaa la yaabay markii ay arkeen dad Siiriyiin ah oo jooga wadooyinka caasimada isla markaan qoorta u suran tahay warqad ku qoran afka Amxaariga oo ay ku codsanayaan kaalmo.

Wadanka Ethiopia ayaa waxaa ku nool qaxooti ka kala yimid dalalka Somalia, South Sudan, Eritrea iyo Sudan kuwaasoo tiradoodu gaareyso illaa sagaal boqol oo kun oo ruux.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN