Waxaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah in dalka Britian yeesho Ra’isul Wasaare cusub oo bedelaya ra’isul wasaarihii xilka is casishay ee Marwo Liz Truss, oo xilkan heysay maalmo aad u yar.
Xilka ra’iisal wasaaraha dalka Britain waxaa maanta ku tartami doona wasiirkii hore ee Maaliyadda Rishi Sunak iyo sidoo kale guddoomiyaha aqalka hoose ee dowladda Britain Penny Mordaunt.
Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Britain ayaa si weyn loogu saadaalinayaa in loo magacaabo wasiirkii hore ee Maaliyadda Britain Rishi Sunak, siyaasigan ayaana taageero badan ka heesta xubnaha xisgiga talada haya.
Boris Johnson ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Britain oo markii hore damac ka galay in uu mar kale u tartamo kursiga, ayaa ugu dambeyn xalay badelay go’aankiisa kuna dhawaaqay in uu ka harayo tartanka.
Doorashada ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Britain ayaa maanta si weyn isha loogu hayaa, waxaana saadaalinta ugu badan tilmaameysaa in xilkan ku guuleesan doono wasiirkii hore ee maaliyadda Rishi Sunak .