Siyaasiyiinta mucaaradka oo kuhanjabay inay soocelin doonaan dhulalakii laboobay

30

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Raysal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa digniin culus ka soo saaray xaraashka dhulkii danta guud ee dowladda.

 

 

Waxay dowladda ku eedeeyeen inay joogto ka dhigatay barakicinta danyarta, ku dul habsiga xarumo waxbarasho iyo kuwo daryeel caafimaad, iyagoo sheegay in dhulka badankiis si xaraash ah looga iibinayo ganacsato, halka qaar la siiyo qoysas gaar ah, qaar kalana lagu laaluusho siyaasiyiin.

 

Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen.

 

Siyaasiyiintan waxay sidoo kale muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amniga, dhaqaalaha, iyo hab-maamulka siyaasadeed ee dalka. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in dowladda hadda jirta ay si degdeg ah wax uga qabato caqabadaha taagan.