Solskjaer Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Shaqada Laga Caydhin Doono Hadii Ay Guuldaro Kala Kulmaan Tottenham

1738

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Soslkjaer ayaa ka hadlya mustaqbalkiisa iyo waliba wararka sheegaya in laga caydhin doono shaqada Man United hadii ay guuldaro kala kulanto kooxdiisu Tottenham

Tababaraha reer Norway ayaa ka kulmaya dhaleecayn xoogan kadib qaab ciyaareedka liita iyo waliba kaalinta 9-aad ee ay kooxdu ku jirto premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa saaka oo Salaasa ah soo baxay warar sheegaya in uu Solskjaer ka tagi doono kooxda Man United hadii ay kooxdu guuldaro kala kulanto kooxda Tottenham ama Man City.

Solkjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ku jiraa xaalad fiican mana jirto dhibaato dhanka mustaqblkayga ah”.

“Mararka qaar waad ku qoslaysaa marar aad akhriso sheekooyinkaas waxbana kama jiraan waana been cad”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.