Somaaliya duulimaadyada caalamiga ah oo maanta dib u furmaya

1386

Duulimaadyada caalamiga ah ee hawada Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay dib u furmaya muddo afar billood iyo badh ah kadib.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii tagay ku dhawaaqday in duulimaadyada caalamiga ah ee gudaha iyo dibedda Soomaaliya ay dib u bilaaban doonaan 3-da August.

Duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa la joojiyay bishii Abriil sababo la xiriira faafitaanka caabuqa COVID-19.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii dowladdu ay dib u furtay duullimaadyadii gudaha bishii hore. Iskuulada iyo jaamacadaha ayaa dib loo furidoono 15ka August.

Soomaaliya, waxay xaqiijiyay in ka badan 3,000 kiis oo COVID-19 ah, 1,562 soo kabasho ah, iyo 93 dhimasho ah.