
Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan soo kabashada duulista rayidka, iyada oo heyada caalamiga ah ee duulista hawada IATA kula heshiisay in dib loogu soo celiyo Billing and Settlement Plan (BSP) country code-keeda, kaddib markii 33 sano oo hakad ah la qaaday horumar Taariikhi ah.
BSP-ga, oo ah nidaamka caalamiga ah ee ay IATA u isticmaasho fududeynta iyo ilaalinta macaamilka maaliyadeed ee u dhexeeya shirkadaha safarka iyo diyaaradaha, ayaa muddo dheer ka maqnaa Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe.
Maqnaanshihiisa waxa uu adkeeyay in si hufan loo dabagalo, loo diiwaangeliyo, loona maareeyo iibka tigidhada diyaaradaha ee gudaha dalka.
Wasiirka gaadiidka iyo duulista ayaa sheegay in IATA ay haatan diyaar u tahay inay soo celiso BSP country code-ka Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay “tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya si buuxda ugu daraysa bulshada duulista caalamiga ah.”
Soo celinta nidaamkan ayaa loo arkaa guul istaraatiiji ah, maadaama BSP-gu uu muhiim u yahay: Hufnaanta lacagaha tigidhada ee ay bixiyaan shirkadaha safarka Badbaadada iyo daahfurnaanta macaamilka maaliyadeed Kalsoonida diyaaradaha caalamiga ah ee doonaya inay ka hawlgalaan Soomaaliya, Dib-u-habsamaynta maamulka hawada iyo suuqyada duulista dalka
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysanaya in soo celinta koodka BSP ay noqon doonto mid xoojinaysa dadaallada dalka ee dib-u-dhiska hay’adaha duulista, iyada oo albaab u furaysa iskaashi cusub, kalsooni sare, iyo casriyeyn ku wajahan suuq duulimaad oo si buuxda ula jaan qaada heerarka IATA.




















