Somalia oo la wareegeysa hogaanka Madasha Horn of Africa

38

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia uga qeyb galay shirka – ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) oo ay marti galinayso Dowladda Ethiopia oo ah hoggaanka hada ee Madashada.

 

Madashan oo 3 Biloodle ah ayaa diiradda lagu saaray 5-tii sano ee la soo dhaafay wixii u qabsoomay dalalka ku mideysan Madashani iyo qorshaha Mustaqbalka la hiigsanayo oo u badan maalgalinta mashaariic horumarineed oo ay helayaan dalalka Geeska Afrika.

 

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa kale oo la isku raacay in oo ah hoggaanka 2-dii sano ee la soo dhaafay ay ku wareejiso hoggaanka Dalalka Iskaashiga.

 

Xilka gudoomiyaha Madashaan waxaa si rasmi ah ula wareegi doono Wasiirka Maaliyadda XFS, bisha April 2025 oo shirkaan kiisa xiga ee 24-aad lagu qaban doono Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo khudbad kooban ka jeediyay kulanka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in diiradda la saaro sare u qaadidda mashaariicda maalgalineed ee ay helaan dalalka gobolka.

 

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso maalgalinta ilaha dhaqaalaha dalka, Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay xoojinta iskaashiga ganacsi ee Geeska Afrika.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa labada sano ee soo socota hogaami doonta Wasiirrada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Geeska Afrika, waxaana kursigaan ku wareejineysa Itoobiya, Soomaaliya ayaa masraxyada caalamka ka sameyneysa dib u soo kabasho.

 

Sidoo kale Soomaaliya ayaa sameyneysa soo kabasho maaliyadeed oo xowli ah, taasi oo horseeday in deymihii caalamku ka cafiyo Soomaaliya, sidoo Kalena hormar badan ayuu gaaray dhaqaalaha dalkaan.