Somalia oo si rasmi ah ugu dhawaaqday maalinta 1-aad ee Ciida

1532

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in meelo badan oo ka mid ah Gobolada dalka, gaar ahaan deegaanno hoostaga Gobollada Baay, Shabeelaha Hoose, iyo Shabeelaha Dhexe laga arkay bisha Shawaal.

U qeybsanaha dhanka Diinta ee Wasaaradda Awqaafta Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay u caddeynayaan in maalinta berito ah ay tahay maalinta koowaad ee ciidda kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen Culimaa’udiin iyo Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Hirshabeelle.

Sheekh Cali Dheere oo si toos ah Bulshada uga hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinta beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, isagoo xusay in aragtida bisha ay Wasaaradda iyo culimo Soomaaliyeed la wadeegeen bulsho badan oo ay khadka si toos ah u soo geliyeen, waxaana uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay jogaan.

Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in markii ay la xiriireen culimaa’udiin kala duwan, laguna arkay meelo badan oo ay ka midtahay Bariire, isla markaana beri ay ku beegantahay maalinta koowaad ee ciidda.

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya CIsmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in Wasaaradda Diinta ay ku dhawaaqeyso in soonka uu dhamaday, isla markaana maalinta beri ah ay tahay maalin ciid ah.