Somaliland oo Bandow ku soo rogtay deegaanka Ceel Afwayn

1648

Wararka laga halayo Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Soomaaliland ay Bandow kusoo rogtay degmada Ceel-Afweyn iyo tuulooyinka hoostaga halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay dagaal beeleedyo ka socdeen.

Bandowga ayaa degmada Ceel-Afweyn iyo deegaanada hoostaga ka dhaqan-galay saakay 7:00 Subaxnimo,waxana dadka deegaanadaas ay sheegeen inay dareemeen bandowga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland oo shalay gaaray degmada eCel-Afweyn ayaa lagu arkayayay, iyaga oo hakiyay isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga intaba,hayeeshee maleeshiyaadkii dagaalamay aan weli la kala qaadin.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo kulan deg deg ah shalay la qaatay saraakiisha Ciidamada ayaa amray in Ciidamo la kala dhex-dhigo maleeshiyaadka ku dagaalamay deegaanada hoostaga degmada Ceel-Afweyn,iyada oo la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland.

Dagaalka labadii maalmood ka socday deegaanka Duud-carraale ee duleedka degmada Ceel-Afweyn ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday in ka badan 20 ruux halka 30-meeyo kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo u badan maleeshiyaadkii dagaalamay.