Somaliland oo joojisay duulimaadyadii Air Djibouti ee Hargeysa

86

 

Somaliland ayaa ku wargelisay shirkadda diyaaradaha dalka Jabuuti ee Air Djibouti inay joojiso duulimaadka ay ku tagto hargeysa iyagoo waqti kama dambeys ah u qabatay.

Wararka ayaa xaqiijiyay in sirkadda loo qabtay ugu dambeyn Arbacada soo aaddan oo bishan Jannaayo ku beegan tahay toddobo ay joojiso duulimaadka

Air Djibouti ayaa toddobaadkii Somaliland ku tagi jirtay afar duulimaad oo ka degi jiray magaalada Hargeysa

Inkasta oo aysan weli Somaliland iyo Air Djibouti-ba aaney si faahfaahsan uga hadlin arrintan,

Talaabadan Somaliland qaaday ayaa la aaminsan yahay iney salka ku haysa aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland oo Jabuuti ay ka mid noqtay dalalka ka horyimid.

Jamhuuriyadda Jabuuti iyo dalal kale ayaa tallaabada Israa’iil ka hor-yimid iyagoo taageero u muujiyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale khilaafku waxaa uu keenay in Somaliland dhawaan ay u yeerato wakiilkii u joogay dalka Jabuuti, iyadoo sidoo kalena Jabuuti ay la baxday wakiilkii u fadhiyey magaalada hargeysa taasoo muujineysa in xiriirka labada dhinac uu gaaray heerkii u hoseeyey.