Somaliland Oo Odayaasha Hawiye U Diidday In Ay Galaan Hargeysa +VIDEO

1634

Somaliland ayaa la sheegay in ay Odayaal dhaqan u diidday in ay galaan Magaalada Hargeysa ee Xarunta u ah Somaliland, waxaana la sheegay in Odayaashu ay doonayen xalinta arrimo la xariira sii daynta dhalinyaro ku xiran Xabsiyo ku yaalla Hargeysa oo sida la sheegay loo haysto danbiyo ay galeen raggaasi dhalinyarada ah.

Odayaal dhaqan oo uu hoggaaminayey Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa la sheegay in ay Soomaaliland ay u diidday inay galaan Magaalada Hargeysa kadib markii diyaaraddii Muqdisho ka qaadi laahyd amar lagu siiyay in aysan soo qaadi karin Odayaashaas, waxaana Odayaashu ay sheegeen in Shirkadda iska leh diyaaradda ay raaci lahaayeen lagu cabsi galiyay in aysan Mardanbe ka shaqayn doonin degaanada Somaliland haddii ay soo qaaddo Odayaasha doonayay in ay Hargeysa u duulaan.

Muxuddiin Xasan Afrax oo ka mid ah Odayaasha loodiiday in Hargeysa u amba-baxaan ayaa sheegay in qorashahoodu ahaa sidii ay ula soo xaajoon lahaayeen Odayaasha dhaqanka ee mid ka mid ah beelaha Somaliland, waxaana uu sheegay arrimo la xariira dilal ay gaysteen rag kasoo jeeda Beelaha Bartamaha iyo koonfurta ay doonayeen in ay kala soo xaajoodaan dambiyada ay gaysteen, ayna la ballansanaayeen Odayaashaas, balse waxaa uu intas ku daray in ay u muuqato in arrinta ay soo faragalisay Somaliland oo diiddan sida uu sheegay wada hadalka dhex maray labada dhinac ee Odayaal dhaqameedyada.

Waxaa uu sheegay in dhalinyarada ay soo daynayeen uu mid ka mid ah fal dil ah uu ka dhex-geysatay xabsi uuna ku xiran yahay hargeysa, sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan dhallinyaro kale oo ku xiran degaanadas kuwaas oo sida uu sheegay ku eedeysan dambiyo kala duwan.

Odayaasha laga celiyay Muqdisho ee ku wajahnaa Hargeysa ayaa ka xumaaday qaabka loola dhaqamay, waxaana ay sheegeen in amarka lagu celilyay uu ka soon baxay Somaliland.

Nabaddoon Muxuddiin Xasan Afraxayaa sidoo kale sheegay in dhanka Odayaasha dhaqanka Somaliland ay wax walba oo wada hadal ah oggol yihiin, balse arrinta waxaa kasoo horjeeda sida uu sheegay Somaliland.

Ugu danbeytii waxaa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka Somaliland ay mar waliba Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ay soo gaaraan iyagoo doonaya in lagala xaajoodo dhibaatooyin ay gaysteen dhalinyaro kasoo jeeda Somaliland, waxaana uu sheegay in si wanagsan ay ula xaal tamaan aysana jirin cid Garoon ku celisa oo su’aal galisa socdaal kooda, waxana Soomaliland uu ugu baaqay in ay Odayaasha dhaqanka isku deyso si wax walba ay u xaliyaan.