
Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inuu saxiixayo heshiiska Abraham Accords, kaasoo Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu qeyb ka yahay sababaha Israa’iil ay aqoonsi u siisay Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Al-Jazeera u sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu ku saleysnaa heshiiskaas, oo ka kooban qodobo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga amni, ganacsi iyo siyaasadeed. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir, ayaa BBC u xaqiijiyay saxiixa heshiiska, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid muhiim u ah nabadda iyo horumarka gobolka.
Heshiiska Abraham Accords wuxuu caadiyeeyaa xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta, waxaana hore u saxiixay Imaaraadka, Baxrayn, Morooko, Suudaan, iyo Kazakhstan. Somaliland ayaa arrintan u arka fursad nabadeed oo gobolka iyo caalamkaba ka faa’iideysan kara, iyadoo sidoo kale la filayo in heshiisku horseedo maalgashi iyo iskaashi dhaqaale.
Si kastaba, dowladda Federaalka Soomaaliya waxay tallaabadan ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah, iyadoo wacad ku martay difaaca madax-bannaanideeda, isla markaana adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo sharciga caalamiga ah.
Mareykanka iyo isbahaysiyo ballaaran oo ka kooban dalal Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa sidoo kale si cad u diiday aqoonsiga, iyagoo ka digay cawaaqib-xumo halis ah oo ka dhalan karta tallaabadaas, gaar ahaan khatarta nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas. Waxaana si gaar ah looga digay in tallaabo kasta oo ku saabsan barakicinta ama qasabka loo raro Falastiiniyiinta ay abuuri karto xiisado cusub oo gobolka ka jira.




















