Somaliland oo saldhig ciidan ka furatay Dhahar +SAWIRRO

1884


Taliyaha ciidamada Somaliland ee gobalka Sanaag Sareeye Guuto Muuse Jaamac Dalaf oo maalmihii u dambeeyey kusugnaa magaalada Dhahar iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa maanta xariga ka jaray saldhig ciidamada Somaliland looga sameeyey deegaanka Baraagaha Qol ee gobalka Sanaag, halkaas oo kamid ahayd goobaha muhiimka ah ee ay ciidamada Puntland horey loo qorsheeyey in loo dajiyo.

Dalaf oo la hadlay ciidamada kusugan saldhigan cusub ayaa sheegay in ay kusoo wajahan yihiin ciidamada Somaliland, kuwaas oo uu sheegay in ay u imaanayaan sugida Amniga, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid ay weerar ku yihiin balse ay soo xiranayaan xaduudaha Somaliland.

Dhahar waa xarunta gobalka Haylaan ee Puntland, waxaana saacadihii u dambeeyey wararka soo baxaya ee sheegaya in ay Saraakiisha Somaliland yimaadeen ay lama filaan ku noqotay dhanka Puntland.

Saraakiisha Somaliland oo wada hadal layeelatay Odayaasha dhaqanka ee Baraagaha Qol iyo magaalada Dhahar ayaa kala hadlay in ay u socdaan oo kaliya sugida Amniga Xaduudaha, balse aysan dhibaato kale dooneyn, waxayna sheegeen in saldhig ciidan laga sameynayo deegaanadan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawaan sheegay in Somaliland looga baahan yahay in ay ka baxdo dhulka Puntland ee ay ka haysato gobalada Sool & Sanaag, balse isku balaarinta cusub ayaa ka dhigan mid muujinaysa talaabooyin jawaab ah.