Somaliland oo sheegay in ay qabteen rag doonayay in ay dilal ka gaystaan Boorama

161

Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay qabatay laba xubnood oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, kuwaasi oo doonayay in ay falal qorshaysan ka fuliyaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Qoraal lagu baahiyay boga X ee hay’adda sirdoonka ayaa lagu sheegay in NIA ay qabatay kooxo doonayay in ay qas ka abuuraan magaalada Borama.

“Waxaanu gacanta ku dhignay koox ka tirsan NISA oo hawlgallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorama. Laba ka mid ah xubnahaas waa la xidhay, halka lix kalena lagu dabo jiro.” Ayaa lagu sheegay qoraalka NIA.

Warbixinta ayaa sheegtay in ciidanka sirdoonka Somaliland ay bulshada ugu baaqayaan in ay laamaha amaanka ku wargaliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan.

Hay’adda sirdoonka Somaliland, ayaa sannadkii u danbeeyay xabsiga dhigtay kooxo iyo dad lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen faldambiyeedyo.