Somaliland oo sheegtay inay Maxkamad sootaagayso Saraakiil kagoosatay+VIDEO

1572

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Ciidamo ka tirsanaa Somaliland oo shalay isku dhiibay maamulka Puntland, islamarkaana sheegeen in ay ku biireen maamulkaasi oo ay ka baxeen maamulka Somaliland.

Wasiirka Difaaca Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay in Ciidankaasi dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono, islamarkaana Somaliland ay si adag ula xisaabtami doono falka ay sameeyeen.

Wasiirka ayaa beeniyay in Ciidankaasi ay diideen in Somaliland ay amar ku bixisay in ay weeraraan Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Waxaa uu xusay in Somaliland ay wali gacanta ku heyso degmada Badhan, islamarkaana ay la xisaabtami doonaan Ciidankii isku dhiibay maamulka Puntland.

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shalay dallacsiiyay labo Sarkaal iyo Ciidan ay wateen oo kasoo goostay Maamulka Somaliland, kuwaasoo ku sugnaa degmada Badhan.