DAAWO:-Somaliland oo u digtay Universal Tv

1218

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa muuqbaahiyaha Universal digniin siiyay, kadib markii uu TV-gu qabtay dood lagaga hadlayay arimaha qoyska oo buuq dhalisay.

Wasiir Koore ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, in TV-ga lagaga hadlo dood ku saabsan in “hooyadu ay guriga wiil keeda iman karto iyadoo aan fasax laga haysan xaaska wiilkeeda iyo in kale”, isagoo TV-ga uga digay in ay markale qabtaan dood caynkaas oo kale ah.

“Waxan halkan digniin uga dirayaa TV-ga Universal, hablo aan afsoomaaliga-ba garanayn ayuu keenay, oo hooyadii inan keeda soo barbaarsatay ee diintu sheegtay in ay saddex jeer xaq ku leedahay, oo dhibaatada iyo duruufaha ay lasoo martay la ogyahay in inta TV lala soo istaago la yidhaa dhibaato ayay noloshiisa ku tahaye yay soo agmarin” ayuu yidhi Koore.

“Aniga manta hooyaday way nooshahay qofkasta oo idinka mid ahina wuu garanaya qiimaha ay hooyadu ugu fadhido, in TV-geenii lala soo fadhiisto inagoo dad muslin ah oo dhaqan leh ah, in hooyadii la ajinabiyeeyo iyadoo diintiina meel lagaga dhacayo oo aayado iyo xadiisyo la beeninayo”.