Somaliland oo xiriirka ujartay Qaramada Midoobay

1596

Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeesay Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ee ka howlgala gudaha Soomaaliya .

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland ayaa lagu sheegay in la hakiyay wada shaqeyntii ay la lahaayeen Hay’adaha Qaramada Midoobay, mana shaacin wasaarada sababta keentay arintan.

Go’aankan lagu hakiyay Wada shaqeyntii maamulka Somaliland iyo Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa shalay hirgaliyay , waxaana xafiisyada kala duwan ee Hay”adaha Qaramada Midoobay ee kuyaala Somaliland lagu wargaliyay go’aankan cusub.

Maamulka Somaliland go’aankan kasoo baxay ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Somaliland ka carootay heshiis iskaashi cusub ah oo dhax maray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.