Somaliland oo xirtay Gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland

1684

Ciidamada amaanka ee maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigtay masuul ka tirsan maamulka Puntland, kaasi oo ku sugnaa magaalada Laascaano ee gobolka Sool.

Guddoomiyihii Puntland ee gobolka Sool ayaa lagu qabtay magaalada Laascaano ee gobolka Sool, waxaana xabsiga la dhigay isaga iyo xubno kale oo ku sugnaa magaalada Laascaano.

Abukar Cabdi Geelle oo xilligii Madaxweyne Cabdiwali Gaas soo noqday Gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland, ayaa ciidamada Somaliland ay xabsiga dhigeen, waxaana lagu eedeeyay arimo dhowr ah.

Mas’uuliyiinta gobolka Sool ee Somaliland ayaa ku eedeeyay Abuukar in uu magaalada Laascaanood ka waday ol’ole ka dhan ah Somaliland oo lagu taageerayo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka gobolka Sool ee Somaliland waxa ay sheegeen in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono Abuukar, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan Cadaymo ay ku hayaan oo ku aadan qalqalgalinta Amniga Magaalada.

ABuukar ayaa sanadkii 2018 iska casilay xilka guddoomiyaha gobolka Sool, waxaana kadib uu ku laabtay magaalada Laascaano ee gobolka Sool.

Ma jiro wax war ah oo kasoo dhanka maamulka Puntland, oo ku aadan masuulkaasi lagu xiray magaalada Laascaano.