“Somaliland way iska seexatay, Adduunka wax ka socda ma Oga“

1668

Faysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeisa ayaa Dhaliilo u jeediyey Madaxda ugu Saraysa Dawladda Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in Shirkadihii Xajka Gayn Jiray Xujeyda Soomaaliyeed ay ku Badalayaan kuwa kale.

Waxaa la waydiiyey in Xidhiidhka Somaliland la leedahay Imaaraadka iyo Carabta uu u Jari waayey in si gaar ah loo siiyo Xujayda ka baxaya Wuxuuna ku jawaabay ? “Somaliland way iska seexatay, wax Adduunka ka socda kama Oga, Hadana Somaliland kama hadlaynee waxaan ka hadlayaa Labada DIyaaradood, Somaliland Shaqadeedii way istaagtay “ ayuu yidhi Faysal Waraabe.

Faysal ayaa sidoo kale wax laga waydiiyey sababta uu ku dhaliilayo dawladda Soomaaliya oo soo Jeedisay in Tartan loo galo Diyaaradaha Xujeyda Qaadaya, Islamarkaana uu ku Door bidayo Labada Shirkadood ee horay u qaadi jiray ?.