Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee Xukuumaada Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macallin ayaa dhigiisa dalka Turkiga Yılmaz TUNÇ ku kala saxiixday magaalada Ankara ee dalka Turkiga heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman.
Heshiiskaan ayaa la tilmaamay inuu muhiim u yahay xoojinta wada shaqeynta dhinaca sharciga ee labada dal iyo suurta gelinta in maxaabiista ku xukuman Soomaaliya ama Turkiga mid walba loo wareejiyo xabsiyada ku yaala dalalkooda.
Waxaa sidoo kale heshiiska labada wasiir qeyb ka ahaa Kaalmada sharciga ee Isku Kaashiga dacwadaha dembiyada si loo fuliyo nidaam wada shaqayn ah oo la xariira isweydaarsiga caddeymaha, fulinta codsiyada maxkamadeed, iyo la dagaallanka dembiyada caalamiga ah.
Wasiirku Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan gudahiisa uu heshiisyo muhiim la saxiixday dhigiisa dalka Turkiga, islamarkaana ay ka go’an tahay kor u qaadista sareynta sharciga iyo cadaaladda.
“Meelaha ugu muhiimsan ee heshiiskaan aan la galnay dowladda Turkiga waxaa ka mid ah inan iska kaashanayo dambi baarista oo ay Soomaaliya aad ugu baahan tahay, waayo waad ogtihiin Soomaaliya malahan Sheybarka dambi baarista oo dambi markuu dhaco dalka dibadiisa ayaa lagu soo baara dambiyada, taasina waxay qaadata waqti dheer, waxayna keenta in qofka dhibanaha iyo kii tuhmanaha aha labadu aysan helin Cadaalad deg deg ah” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Macalin.
Ugu dambeyntii heshiiskaan Soomaaliya iyo Turkiga wada gaareen ayaa qeyb ka noqonaya heshiisyo muhiim ah oo ay horay wada galeen labadaan dal oo uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo qoto dheer.