Soomaalia oo berito laga soomayo

1926

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ayaa caawa ku dhawaaqday in barri oo jimco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadan”.

Inta badan dalalka dunida Islaamka ayaa caawa ku dhawaaqay in Jimcaha berrito ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dalalka looga dhawaaqay bilashada bisha Ramadaan waxaa ka mid ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Bisha Shacbaan ayaa sida la isku raacsanyahay Khamiistii maanta ku buuxsantay 30, waxayna inta badan dunida Islaamku Jimcaha beeri ah isku diyaarinayaan inay gutaan waajibaadka maalinta koowaad ee bisha Soon-qaad, sanadka 1441 Hijriyah.

Sanadkan ayaa ka duwanaa doona sanadihii hore maadaama ay jirto khatar dunida wada saameysay oo ka dhalatay cudurka caalamiga ah ee Coronavirus, dowlado badan ayaana ku dhawaaqay in la xiray goobaha cibaadada, si looga baaqsado isku imaatinka bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo rogtay bandow habeenkii ah kaas oo horay u jiray, balse sii adkaanaya markii ay dhalato bisha Ramadaan.

Bandowga ayaa gabi ahaanba meesha ka saaraya in la dukado salaada Taraawiixda, hase yeeshee dowladdu ma joojin weli salaadaha kale ee jameeda ah sida saladda Jimcaha.