Soomaalida kunool Norwey oo laba xildhibaan kahelay doorasho ka dhacday dalka Norwey

29

Labo Xildhibaan oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashadii guud ee maanta ka dhacday Norway , taa oo ka dhigaysa markii u horreysay oo Baarlamaanka dalkaa ay labo kursi ku yeeshaan jaaliyadda Soomaaliyeed.

•Maryan Cabdi Xuseen, ayaa mar labaad oo xiriir ah loo doortay xildhibaan.

•Haashim Muxyidiin Cabdi, ayaa noqday xildhibaanka taariikhda ku sameeyay inuu Baarlamaanka ku wehelin doono Maryan Cabdi iyo xildhibaanka labaad ee ka socda jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku biiraya Baarlamaanka dalka Norway.

 

Natiijada hordhaca ah ayaa sidoo kale muujisay in xisbiga shaqaalaha oo talada haya uu mar kale ku guuleystay doorashada , waxaana muddo xileed kale Ra’iisul wasaaraha Norway noqonaya Jonas Gahr Støre, oo hadda jagadaa haya.

Doorashada , waxaa qasbayay in indhaha lagu hayo loollanka siyaasadeed ee ka socda gudaha Norway , waxaana natiijada ka soo baxday ay noqotay mid u daran Israa|l oo aan dooneyn xisbiga shaqaalaha inuu mar kale xukunka ku soo laabto, sabab la xiriirta Jonas Støre iyo xukuumadiisa waxay si weyn uga soo horjeedeen xasuuqa ka socda Qasa.