
Maamulka Trump, wuxuu maanta ku dhawaaqay inay billaabayaan baaritaan la xiriira eedeymaha soo baxay oo lagu sheegay in canshuurta gobolka Minnesota oo la musuq maasuqay ay gaartay ururka al-Shabaab ee Soomaaliya , sida uu shaaciyay xoghayaha maaliyadda Mareykanka,Scott Bessent.
Tallaabadan waxay ka dhigantahay in la baarayo shaqsiyaadka Soomaalida ah ee ka faa’iideystay mashaariicda dawladda , kuwa taageerrada ka hela barnaamijyada dawladda iyo halka ay lacagaha geeyeen.
Waa arrin cadaadis leh oo suragal ka dhigaysa in hab siyaasadeed looga faa’iideysto Soomaalida gobolkaas oo malaayin doollar sannad walba u dira Soomaaliya, iyagoo ku taageerraya qoysaskooda, xilli toddobaadkan uu Trump yiri ; “ Ma jirto sabab Soomaaliya lacag loogu diro.”
Maxay ka dhigantahay ku dhawaaqistan?
Eedeymaha ah in lacag canshuur ah oo Minnesota laga ururiyay ay gaartay Al Shabab, xataa haddii aan weli la xaqiijin waxay leeyihiin saameyn weyn oo toos iyo dadbanba ah oo taabanaysa Soomaalida.
Minnesota waa halka ugu badan ee ay ku urursan yihiin Soomaalida Mareykanka, waxaana dhacdadan loo arki karaa arrin halis ku ah sumcadda bulshada oo dhan.
Saameyn siyaasadeed oo toos ah
Trump ayaa horey u muujiyay aragti adag oo ka dhan ah Soomaalida Minnesota. Eedeymaha noocan ah waxay noqon karaan kuwa ay siyaasiyiinta qaar ka faa’iideystaan , taas oo keeni karta:
- Kormeer iyo cadaadis dheeraad ah oo la saarayo bulshada Soomaaliyeed.
- Sharciyo cusub oo socdaalka iyo lacago diris adag oo ay wajihi karaan Soomaalida, iyadoo loo calaamadeyn karo gobolka Minnesota , meel ay ka jirto khatar dhaqaale.
- Saameyn bulsho iyo amni
Xitaa haddii baaritaanka uu caddeeyo in eedeymaha aysan sax ahayn, hadalka iyo mowduuca la abuuray waxay dhaawacayaan xiriirka bulshada Soomaaliyeed iyo dawladda Mareykanka.
Waxa laga yaabaa:
- In bulshada Soomaaliyeed lagu eedeeyo dembiyo aysan qayb ka ahayn.
- In shaqooyinka, ganacsiga, iyo barnaamijyada bulshada la adkeeyo
- In kor u kacaan hadallada naceybka ah.
Maxaa la gudboon bulshada Soomaalida, si ay uga hortagaan caqabadaha ay wajihi karaan?
Waxaa muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed ay qaadaan tallaabooyin kobcinaya kalsoonida dadweynaha iyo dawladda Mareykanka.
Jaaliyadda Soomaaliyeed waa in hoggaankeeda, masaajidda, ururrada bulshada, ganacsatada, iyo dhalinyarada ay isla markiiba muujiyaan:
- Eedeymuhu inaysan matalin bulshada oo dhan
- In la taageero baaris hufan oo runta lagu ogaanayo
- In la muujiyo in Soomaalida Minnesota ay yihiin bulsho sharciga u hoggaansan oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka gobolka
- In bulshada Soomaalida ay la shaqeeyaan hay’adaha dawladda, halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo ka fogaada.
- Qabashada kulan furan oo lala yeesho maamulka Minnesota
- Muujinta in aysan jirin wax la qarinayo. Waxa keliya oo bulsho ku dhaqaaqdo marka ay dareento in la eedeynayo waa in ay caddeyso daahfurnaan buuxda.
- In la sameeyo olole wacyigelin gudaha jaaliyadda
Bulshada waa in si gaar ah loogu sheegaa:
- In barnaamijyada dawliga ah ee lagu xad-gudbo ay keeni karaan ciqaab culus
- In la qabto tababaro iyo casharro sharci oo dadka loogu sharraxayo sida canshuuraha, welfare-ka iyo deeqaha loo isticmaalo
Waxaa muhiim ah in khaladka shakhsiyaad gaara uusan saameyn u rogin bulshada oo dhan.
Miyay jirtaa bulsho kale oo Mareykanka kula kulantay xaaladan oo kale ?
Mareykanka waxaa hore ugu dhacay bulshooyin kale oo lagu tuhmay maalgelin argagixiso, balse qaar badan waxay uga gudbeen iyagoo u maray hab daahfuran oo sharci iyo bulsho isku jira.
Intii lagu jiray 2001–2010, bulshada ka soo jeeda Lubnaan iyo Falastiin ee ku nool Michigan ayaa si joogto ah u wajahday eedeymo la xiriira in lacagaha gurmadka ee loo diro qaraabada ay gaari karaan Xisbullah ama kooxo kale.
Sidee bay u wajaheen xaaladan?
- Waxay sameeyeen ururro sharci oo difaaca
- Waxay la shaqeeyeen FBI iyo hay’adaha maaliyadda
- Waxay dhiseen xarumo bulshada lagu wacyigeliyo
- Waxay abuureen olole warbaahineed oo muujinaya wax-soo-saarka bulshadooda
Natiijadu waxay noqotay in Dearborn maanta loo arko bulsho sharci u hoggaansan oo kaalin wanaagsan ku leh dhaqaalaha Michigan.
Kadib 9/11, bulshada Pakistan ka soo jeeda waxay wajahayeen eedeymo ah in lacagaha xawaaladaha ee ay u diraan Pakistan ay gaari karaan Taliban ama kooxo kale.
Waxay sameeyeen:
- Ururro ka taageera arrimaha sharciga
- Wada shaqeyn toos ah oo ay la yeesheen FBI-da
- Furitaanka xisaabaadka lacagaha ay dalkooda u direen oo ay sharraxeen, sida ay qoysaskooda u gaarsiiyaan.
Waxay ku guuleysteen in ay ka baxaan jawigii tuhunka.
Bulshada Soomaalida ayaa xaaladan oo kale horey usoo wajahay intii u dhaxeysay 2008 illaa 2010, markii ay soo baxeen dacwadihii dhalinyarada lagu eedeeyay inay ku biireen Al Shabaab, Soomaalida Minneapolis waxay sameeyeen:
- Shirar bulsho oo joogto ah
- Wada shaqeyn dhex martay masaajidda iyo FBI
- Barnaamijyo daahfuran oo lagu wacyigeliyo dhalinyarada
- Hoggaan mideysan oo bulshada difaacay
Taas waxay ka badbaadisay in jaaliyadda Minnesota aysan markaa noqon bulsho la eedeeyo guud ahaan.




















