Xukuumada somaliland soo saartay digniino la xidhiidha salaada tahjudka ee la tukado tobanka dambe ee ramadaan iyo wakhtiga salaada Cishaa’i.
Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta somaliland Aadan Cabdilaahi Cabdale oola hadlay warbaahina ayaa sheegay in bulshadu ay cabasho ka qabto makarafoonada codka baahiya ee masaajidada wakhtiga lagu jiro salaada tahjudka, kuwaas oo uu iimaamyada masaajidada ugu baaqay inay bakhtiiyaan ama gaabiyaan.
Agaasime Aadan Cabdilaahi oo soo bandhigaya cabashada bulshadu qabto iyo amarka ay soo saareen ayaa waxa uu yidhi “Cabasho ayaa naga soo gaadhay bulshada taas oo ku saabsan laba qodob kuwaas oo kala ah in bulshadu ay ka cabanayso makarafoonada dibada ee salaada Tahjudka oo imaamyada masaajidadu ay dalacayaan maadaama oo la galay tobankii dambe ee ramadaan, wasaaradana cabasho badan ayaa soo gaadhay kuwaas oo ka cabanaya cod baahiyaha dibada ee la dalacayo, maadaama ay jiraan dad badan oo xanuusanaya, dad badan oo dhibaataysan, dad badan oo aan xamili Karin, dad badan oo musaafiriin ah, dad aan u baahnayn in lagu dalaco iyada oo diintuna ay reebtay in khayrka iyo wanaaga dadka lagu dhibaateeyo, waxaanan culimada ugu baaqaynaa inay makarafoonada dibada la bakhtiiyo ama la gaabiyo taas oo aanu is leenahay wax badan ayey ka tari doontaa cabashadii ay bulshadu soo jeediyeen, waxaanan baaq adag u diraynaa imaamyada masaajidada, mu’adiniinta iyo guud ahaan culimada inay arintaas ka waantoobaan.”
Sidoo kale waxa uu digniin u diray masaajido uu sheegay inay eedamayaan iyada oo aan la gaadhin wakhtigii salaada Cishaa’I waxaanu yidhi “Waxa kale oo jirta cabasho ay bulshadu ka qabto eedaanka salaada cishaa’I ee bisha ramadaan, waxaanu qaybinay jadwal qeexaya xiliga la galayo salaad kasta, salaada cishaa’I eedaankeedu waxa uu bilawgii ramadaan ka soo bilaabmay 7:26 caawana oo ramadaan 22 noqonayso waxa la adimi doonaa 7:32, balse waxa la yaab leh in wadaadadii ay salaadii eedaamayaan 7:15 kuna galayaan salaada 7:20, markaa wadaadada waxaan leeyahay ilaahay ka yaaba oo salaada wakhtigeeda ku ilaaliya.”