Soomaaliya oo qoraal cabasho ah u gudbisay Kenya

1634

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya ayaa Safiirka Kenya u jooga Somalia Lucas Tumbo u gudbisay qoraal cabasho ah oo ka dhan ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo qoraal Twitter Wasaaradda la soo geliyay ku sheegay Somaliland inay tahay dal.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau oo kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji, waxaana qoraal barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in Kenya iyo Somaliland ka wada shaqeynayaan iskaashiga labada dal, kaasoo loo arkayay culeys siyaasadeed oo ay Soomaaliya ku saareysay

Qoraalka cabashada ayaa lagu sheegay inay hadalkaas u tixgelinayaan inay halis ku tahay madax banaanida, midnimada dhuleed iyo sharafka Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya ay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam labada dhinac iyo in iskaashi dhow la yeelato deriskeeda ayna sidaas la mid ah ka rajeyneyso dowladda Kenya.

Akhriso qoraalka cabashada Soomaaliya u gudbisay Kenya.