DAAWO:-Soomaaliya oo xiriirka u jartay Guinea

1506

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo shir jaraa’id Saxaafadda ugu qabtay Magaalda Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gebi ahaanba xiriirka u jartay Dowladda Dalka Gini (Guinea) oo ku yaalla Galbeedka Qaarada Afrika.

Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in Dowaladda Soomaaliya ay xiriirka u jarto dalkaasi Gini inay ku xadgudbeen qaranimada, wadajirka iyo Midnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in waayahaan dambe ay soo badanayeen dalal ku xadgudub Midnimada Soomaaliya,isla markaana sameynaya wax meel ku dhac iyo halis ku ah Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliyee.

“Waxaa la soo gaaray waqtigii dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed u dul qaadaneyn in lagu sameeyo xadgudub qaranimadooda iyo wadajirkooda,waxaana xiriirka u jarnay dowladda Gini oo ka mid ah dowladaha Wadamada Afrika ayuu yiri Wasiir Cawad.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in in dowladda Soomaaliya u taagan tahay ilaalada midnimada,Madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya iyo in go’aan kasta ay qaadaneyso uu yahay u adeegida iyo difaaca Ummadda Soomaaliyeed.

In kastoo Wasiir Cawad uusan si cad u faah faahin waxyaabaha rasmiga ah ee keenay in xiriirka loo jaro dowladda Gini ayaa waxaa xusid mudan in dowladda dalkaas uu maalin ka hor gaaray Madaxweynaha Soomaaliland,isla markaana loo soo dhaweeyay Mas’uul ka socda dal ka mid ah Wadamada Caalamka.