DAAWO:-Southampton Oo ku dhegtay Liverpool +SAWIRRO

1859

Liverpool ayaa guuldarro ku bilaabatay sannadka cusub ee 2021 iyagoo guuldarro 1-0 kala kulmay kooxda Southampton taasoo fursad weyn u ah Manchester United oo kulan u harsan yahay lana wareegi karta hogaanka horyaalka Premier League.

Gool uu dhaliyay daqiiqadii 2aad ee ciyaarta xiddigii hore ee Reds Danny Ings ayay Southampton ku dishay kooxda difaacaneysa horyaalka, iyagoo goolkooda u difaacday sida boqoro oo kale.

Reds ayaa guul la’aan ku soo xirtay 2020, waxayna 2021 ku bilowdeen guuldarro iyadoo Man United haatan fursad weyn u heysata inay hogaanka horyaalka Premier League la wareegto haddii ay badiyaan ama barbaro galaan kulanka u harsan.

Liverpool ayaa gool looga naxsaday labo daqiiqo markii ay ciyaarta socotay markii laad xor ah oo ay soo qaadeen uu difaaci waayay Alexander-Arnold taasoo fursad u siisay in Danny Ings uu kubada ku laabo shabaqa oo ay meel kore ka soo gashay.

Southampton ayaa u qalantay hogaanka iyagoo ciyaar fiican soo bandhigay qeybtii hore ee ciyaarta inkastoo Liverpool ay kubada inteeda badan heysata hadana iyaga ayaa helay fursadihii ugu fiicnaa.

Kooxda martida loo ahaa ayaa sidoo kale muujisay difaacasho adag iyagoo u diiday Liverpool qeybtii hore ee ciyaarta inay xitaa helaan hal darbo oo goolka ku bartilmaameedsan.

Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay wax saameyn weyn ah ku yeelato xerada ganaaxa Southampton iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay Saints hogaanka ku hayeen.

Qeybtii labaad ciyaarta wax weyn iskama bedelin, Liverpool kubada ayay heysata laakiin waxay sidoo kale inkaar ka qabeen inay goolka fursad u helaan si kasta oo ay isagu dayeen.

Darbadoodii ugu horeysay ee goolka ku bartilmaameedsan waxay timid daqiiqadii 75aad markii Sadio Mane kubad laga qabtay. Waa markii ugu dheereyd ay sugaan darbo goolka ku bartilmaameedsan horyaalka Premier League tan iyo bishii December 2015 kulan ay la ciyaarayeen Newcastle iyagoo markaas helay darbadooda goolka ku bartilmaameedsan daqiiqadii 89aad.

Daqiiqadii 84aad ayay Southampton ku dhawaatay inay ciyaarta disho iyadoo Valery uu kubad ka dhex saaray goolhaye Alisson oo soo baxay islamarkaana darbo daciif ah u diray goolka oo faaruq ahaa, laakiin waxaa ka gaaray Henderson oo badbaadiyay.

Si kasta oo ay Liverpool isagu dayeen inay heleen goolka barbaraha waxaa ka diiday Southampton oo kubada u difaacday si cajiib ah iyagoo gaaray guul taariikhi ah.