Suuqa Islii Oo Maanta Xiran

1783

Maanta oo Sabti ah ayaa waxaa xiran gabi ahaan Suuqa Ganacsiga ee ku yaalla Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, waxaana ka dhaqan galay amarkii shalay ay soo saareen Guddiga Ganacsatada Islii, kaasi oo ah la xiro Suuqa sababo la xiriirka faafida Cudurka Coroonavirus.

Suuqa Islii ayaa Maanta waxaa laga dareemayaa xirnaashaha Goobaha ganacsiga ee halkaas, waxaana meelaha qaarkood lagu arkayaa dad yar oo lug ku maraya, waxaana Suuqa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ay furan yihiin goobaha muhiimka ah sida xawaaladaha, Bangiyada, Isbitaallada, Xarumaha farmashiyaasha.

Dhinaca kale Ciidanka Booliska dowladda Kenya ayaa Maanta baaritaano ku sameeynaya dadka saaran gaadiidka noocyadiisa kala duwan, si ay u hubiyaan inay dadka xiran yihiin marada afka lagu daboosho ee loo yaqaano Face Mask.

Dowladda Kenya ayaa kal horey dadka ku amartay inay xirtaan Face Mask, waxaana dadka loogu digay in ganaax dusha laga saari doono cid walba oo aan xirneyn Face Mask.