Suuqii ugu weynaa ee Adisababa oo gubtay +SAWIRRO

10

Ciidamada dab demiska Itoobiya ayaa ku dadaalaya daminta dab xoog leh oo caawa qabsaday suuqa ugu weyn Itoobiya ee Markato la yiraahdo oo ku yaalla magaalada Addis ababa.

Warbaahinta Itoobiya ayaa baahiyay muuqaalo iyo sawiro muujinaya gubashada suuqa oo aad u badan.

Goobo ganacsi oo badan ayaa basbeelay waxaana socda gurmad xoog leh, iyadoo dabku ku sii fidayo qeybo hor leh oo suuqa ka tirsan.

Haweenayda duqa magaalada ka ah Addis-ababa Adanech Abebe ayaa sheegtay in dabku khasaaro badan geystay hanti badana ku gubatay

Waxay intaa ku dartay in gurmadka ciidamada dab demiska uu dib u dhacay sababo la xariira wadooyinka suuqa oo ciriiri ah. Sababta dabka kicisay lama shaacin.