Suuqyada Boosaaso Oo Mar Kale Maanta Xiran

1346

Waxaa Maanta mar kale xiran Xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo aysan jirin dhaq-dhaqaaqyo Ganacsi ah oo jira, sida aan wararka uga heleyno halkaas.

Qaar kamid ah Gancsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in mar kale Go’aan lagu gaaray in aan la furin Xarumaha Ganacsiga ee Boosaaso, sababo la xiriira sicir barar xoogan oo weli taagan iyo lacagta shilinka Soomaaliga oo qiimo beeshay.

Sidoo kale Gancsatada ayaa tilmaamay in weli uusan maamulka Puntland waxba ka qaban cabashooyin dhowr ah oo ay u gudbiyeen Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ku aadan diidmada lacagta shilling-ka Soomaaliga.

Gancsatada kunool Magaalada Boosaaso ayaa Maamulka sare ee Puntland ugu baaqay inay wax badan ka qabtaan sarifka lacagaha qalaad iyo sicir bararka xoogan ee jira saameynta yeeshay, iyagoona Caddeeyay in xarumohoodu ganacsiga ay sii xirnaan doonaan inta laga helayo xal wax looga qabanayo cabashadooda.

Dhinaca kale deegaanada Puntland waxaan maanta ka hirgalay Amar kaso baxay Golaha Wasiirada Puntland oo ahaa in shirkadaha Isgaarsiinta ay joojiyaan kudirista Mobile-ka $1 iyo wixii ka yar iyagoo adeegsanaya edeegyada kala ah SAHAL IYO E-DAHAHB.