Suuqyada Laascaanood oo guud ahaan saaka xiran+SAWIRRO

1455

Guud ahaan waxaa saaka xiran xarumaha ganacsiga ee magaalada Laascaanood kadib markii ganacsatadu ay diideen qaadashada lacagaha shillinka Soomaliga ah magaaladaasi iyo guud ahaan deegaamada hoosyimaada.

Ganacsatada khudaarta iyo hilibka ayaa saaka sameeyey mudaharaad ay kaga Soo horjeedaan ganacsatada Waaweyn waxayna sheegeen inaan la furin karin dhamaan suuqa kuwaasi oo dhagax tuuraya goob kasta oo maamulkeedu furo.

Diidmada lacagta shilinka somaaliga ee degaamada Puntland ayaa saamayntan ku yeelatay magaalada Laascaanood maadaama lacagaha caddaanka ah ee lagu qaado Laascaanood loo soo qaadi jirey Puntland aysanna ka socon karin dhanka Somaliland.