Swaden 66 jir ( 20 sano) caruur kufsanayay

1531

Labaatan sano ( 20 sano) ka badan ayuu caruur faraxumeynaayey. Ninkaan oo 66 jir ah ayaa booliisku gacanta kusoo dhigeen.Waxaa uu markiiba qirtay inuu wakhti dheer denbigaan samaynaayey.Gurigiisa ayaa booliisku ka heleen qalab kala duwan oo kaamirooyin iyo cajalado ka mid yihiin,kuwaasoo uu u isticmaali jirey duubitaanka ficilkan denbiga ah.Ninkan ayaa wakhti dheer ka howlgeli jirey xaafada soomaalida Stockholm ee caasimada sweden ,waxaana uu aad saaxiib ula ahaa soomaalida.Ninkaan waxaa lagu dhex arki jirey kulamada iyo shirarka soomaalida.Waxaa uu ahaa nin aad ugu dhexjira jaaliyada soomaalida. kolkii la qabtay waxaa uu qirtay denbiga waxaana uu balanqaaday inuu sheegi doono oo uu tilmaani doono caruurtii uu faraxumeeyey.Waxaa kaloo uu sheegay inuu dhiibi doono filimo badan oo uu ka duubay kolkii uu ku dhexjirey fal-denbiyeedkan foosha xun.
Waxaa kaloo la qabtay nin kale oo howsha u fududeyn jirey.Waxaa kaloo dhici karta in kiiskani fido oo dad badani ku lug yeeshaan.

* Waa dhacdo naxdin iyo argagax leh,maadaama ninkani aad ugu dhexjirey soomaalida.waxaana dhici karta maadaama aan xaafada ku badanahay ninkuna saaxiib inala ahaa in caruurta uu dhibaateeyey ay soomaali ka mid yihiin.Waxaan waalidiinta xaafadaas degan ka codsanaynaa.

1. Iney caruurta waraystaan, haddii aay wax dheeraad ah ogaadaana u sheegaan booliiska.Waxaa kaloo laga yaabaa in booliisku xiriir inala soo saneeyaan inta baaritaanku socdo,waa in si wanaagsan booliiska loola shaqeeyaa oo dhaqanka wax qariska laga gudbaa.Ninkaan denbi weyn buu ku kacay,waana inuu ciqaabteeda helaa.

2. Waa inaan caruurta ilaashanaa.Bilaahi caleykum, raggow meesha ka kaca oo hooyooyinka ilmaha la ilaasha.Waxaan siddii booliiskii taaganahay center-ka xaafadaha Stockholm iyo magaalo walba oo soomaali degan tahay,waa ceeb weyn iyo masuuliyad xumo.Wadankan sweden iyo yuruba waa xumaadeen,sidaas darteed waa inaan caruurta ilaashanaa.Ilaahay ha ina xafido.

Xigasho Abdirisak Hussein