Sweden ayaa shaacisay iney xiriirkii dhaqaale u jartay rajiimka Israel sababo la xiriira xasuuqa ay gaajeysiinta ay ka wado marinka Gaza, iyadoo talaabadan ay timid ka dibed baxyo ka dhan ah Israel oo ka dhacay dalkaas
Xamaas oo sheegtay 91 qof la dilay iyaga oo gargaar ka raadinaya gudaha Qaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Xamaas ay maamusho.
Wargalintoodii u dambaysay, wasaarada ayaa sheegtay guud ahaan 111 qof la dilay 24-tii saac ee la soo dhaafay, 820 qof oo dheeraad ah ayaa la dhaawacay.
Waxaa ay ka dhigaysaa tirada guud ee dadka lagu dilay gudaha Qaza tan iyo intii uu bilowday weerarka Israa’iil ee marinka, ee jawaabta u ahaa weerarada Xamaas ee 7dii Oktoobar 2023, ilaa 60,249 qof sida ay wasaaradu sheegtay.
Qoraal kale ayaa wasaaradu ku sheegtay 2 qof ay u dhinteen nafaqo daro maalintii la soo dhaafay, taasoo ka dhigaysa tirada dadka u dhintay dhacdooyinka la xiriira gaajada tan iyo intii uu bilowday dagaalka ilaa 159.